DAAWO: ”Kaa helay Hanadoow!” – Gabar Yuhuud ah oo sheegtay inay jeceshahay MBS & xiriir qarsoodi ah oo ka dhexeeya Sucuudiya iyo Israel oo ay KASHIFTAY!

0

(Tel Aviv) 02 Feb 2019 – Gabar maadyahanad (shactirooleey) ah oo kaftankeeda kusoo dartay inay jeclaan lahayd guurka Amiirka Mohammed bin Salman ayaa iminka aad looga hadal hayaa baraha bulshada Carabta, iyadoo ay xitaa qaarkood ku doodayaan inay ka dhab tahay.

Noam Shuster-Eliassi ayaa arrintan si ciyaar ah uga sheegtay hilinka i24 laantiisa af Carabiga, iyadoo tiri “qofna ma jecla gabar dheer oo ad-adag.”

Gabadhan oo 32 jir ah oo sheegtay inay qoyskeedu ku cadaadinayaan inay guursato, xitaa mid aan Yuhuud ahayn, ayaa tilmaantay halka uu hankeedu aaddan yahay.

“Ma doonayo in aan [guursado] qof kasta. Waxaan doonayaa inaan kor aado,” ayay tiri Shuster-Eliassi oo la hadlaysay i24.

“Waxaa jira MW dheer [Madaxwaynaha Suuriya] Bashar Assad. Balse – may, may – ima marayo. MBS [Mohammed bin Salman]. MBS waa nin dheer, waxaan kaloo haatan ogahay… inay aad u xiriiraan Sucuudiga iyo Israel,” ayay raacisay.

Dhab iyo dheel wuxuu yahayba, kaftankan wax wayn loogama arag gudaha Israel, balse waxaa aad u wad wada oo dhinacyo badan u tarjumey shucuubta Carbeed ee adeegsada baraha bulshada.


Hadalsame Media