Ciidamada Kenya oo isaga baxay deegaan muhiim ah oo ku yaala gobolka Gedo (Faahfaahin)

0

(Faafax Dhuun) 02 Maarso 2019 – Wararka laga helayo deegaanka Faafax dhuun ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga baxeen ciidamada Kenya ee ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxaana durbadiiba la wareegay deegaanka ururka Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Hadalsame in ciidamada Kenya oo watay gaadiidka gaashaaman ay isaga huleeleen deegaanka saaka waabarigii hore waxaana horey u sii raacay ciidamo soomaali ah oo ka tirsan maamulka Jubaland.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Faafax dhuun ayaa iyana la sheegayaa inay horey u sii raaceen ciidamada Kenya ee ka abxay deegaanka.

Deegaanka faafax Dhuun ayaa ka mid ahaa goobaha muhiimka ah ee muddo dheer ay gacanta ku hayeen ciidamada Kenya waxaaa sheeda ka eekanayay ururka Al-Shabaab oo saakayba la wareegay deegaankaasi.

Lama sheegin wax iska hor’imaad ah oo ka dhacay deegaanka hase ahaatee dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay xaalada amniga ee deegaanka iyo haddii dagaalo ka dhacaan saacadaha soo socda.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada Kenya uga baxeen Faafax dhuun oo ah deegaan istitaatiiji ah, qiyaastiina 80Km dhanka galbeed uga beegan magaalada Baardheere waana deegaan istiraatiiji ah oo isku xira inta badan Mgaalooyinka iyo tuulooyinka gobolka Gedo.

Hadalsame Media