(Muqdisho) 01 Maarso 2019 – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyeef fariin u diray kadib weerar arxan darro ah oo lagu dilay dad ka badan 30 halka boqol ka badan lagu dhaawacay.
RW Kheyre ayaa kadib markii uu soo kormeeray isbitaallada iyo goobtii Al-Shabaab weerareen ee Magaalada Muqdisho u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee bad baadiyey dadkii Al-Shabaab guryagooda ku qabsatay.
Ra’isul wasaaraha waxa uu sidoo kale u mahad celiyey dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha badbaadiyey dhaawacyada,sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqay walaalahood dhibaatadu soo gaartay.
Dhinaca kale Ra’isulwasaaraha waxa uu ka hadlay dadaallada dowladda ee dib u habeyta, tayeynta iyo qalabeynta Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo meel wanaagsan maraya si la mid ah hormarrada ay dowladdu ka gaartay dhinaca dhaqaallaha iyana hormar looga sameeyey, dadkuna ay arki doonaan natiijadaas dhowaan.
“Qof walboow dhex dhexaad kama ahaan kartid dadaalka dowladaada ay wado, guushana waa xageenna”
Hadalsame Media