SAWIRRO: Qalanjada Priyanka Chopra & Amiiradda Meghan Markle oo safaaradaha kala qaatay (Maxay isku maageen?)

0

(New York) 28 Feb 2019 – Saaxiibtinnimada qalanjada Priyanka Chopra iyo Amiiradda Meghan Markle ayaa sagxadda herdiyey, sida ay sheegayaan ilo iyaga ku dhow.

Labadan hablood ayaa saaxiibbo isku dhaarta ahaan jirey, tiiyoo ay Priyanka marti sharaf ka ahayd guurkii Meghan oo bishii Maajo ee sanadkii hore faraqa ku xiratey Prince Harry.

Balse Duchess of Sussex ayaan abaalkaa u gudin Priyanka, iyadoo ka maqnaatay guurkii iyada iyo Nick Jonas bishii Diseembar.

“Priyanka arrintaasi way jiirtey,” ayuu yiri qof ku dhowi.

Taasina waa sababta ay atirishada Bollywood ugu goysey xafladdii diiqda Markle oo todobaadkii tegey lagu qabtay Mark Hotel.

Serena Williams iyo Amal Clooney ayaa agaasimayay iyadoo ay kasoo qayb galeen dad ay ku jirtey Gayle King.

Xidigta Chopra oo ay “arrintaasi aad u dhaawacday” dareen ahaan ayaa la sheegay in ay Los Angeles ka waddo kulamo ku aaddan buug ay qoreeyso oo ay arrintani ku xambaartay.

Waloow sida uu baahiyay US Weekly ay Markle ku marmarsootay inay arooska Chopra uga maqnaatay uurkeeda dartii.

“Saaxiibtinimadoodu waa eber ilaa ay Meghan raalli gelin bixiso,” ayuu yiri qof ku dhow Priyanka isagoo sheegay in Priyanka oo ka caansan Markle ay dareensan tahay in aysan ixtiraamin saaxiibtinnnimadooda.

Hadalsame Media