DAAWO: Hoggaamiyaha North Korea oo ballan qaaday tillaabooyin uusan horay u ogolaanin + Sawirro

0

(Hanoi) 28 Feb 2019 – Hoggaamiyaha North Korea ee Kim Jong-un ayaa sida la sheegay u diyaar ah inuu iska dhigo hubka nukliyeerka, sida uu warfidiyeenka u sheegay xilli uu maalintii 2-aad ka qayb qaadanayo kulan madaxeedka uu Hanoi kula leeyahay madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump, isagoo sheegay inuu soo dhowaynayo in xafiis safaarad beenaad ah uu Maraykanku ka furto caasimadda Pyongyang.

Mar lagu kediyay su’aal ahayd inuu doonayo in hubka laga dhigo dalkiisa ku yaalla jasiirad u ekaha Korean Peninsula, wuxuu Kim ku warceliyey, “Haddii [aanan] doonayn inaan sidaa yeelo, halkanba ma imaadeen.”

Kim, ayaa si taxaddar leh rajo uga muujiyay kulankan, isagoo tibaaxay inuu ku dadaali doono sidii uu u mira dhali lahaa oo heshiis loo gaari lahaa.

Trump ayaa dhankiisa sheegay inuu “qiimaynayo” dadaalka Kim oo xitaa joojiyay barnaamijkii tijaabooyinka gantaalaha, wuxuu se dhowr mar ku celceliyey inaanay jirin “deg deg” ku aaddan in heshiis la gaaro.

“Xawaare muhim maaha – waxa muhimka ihi waa in heshiis sax ah la gaaro,” ayuu ku dooday, taasoo loo fahmey inuusan doonayn in cunaqabataynta la qaado jeer uu dalkaasi “si buuxda oo hubban” hubka looga dhigo.

Hadalsame Media