Yaa ku guuleystay doorashada Madaxwaynenimo ee Nigeria?

0

(Abuja) 27 Feb 2019 – Madaxwaynaha Nigeria Mummahadu Buhari ayaa mar kale dib loo doortay kadib doorasho muran badan dhalisay oo ka dhacday dalkaasi, waxaana Buhari uu ku guulaystay 57 boqolkiisa cododkii la tiriyay sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

76 sanno jirkaan ayaa ka guuleystay Madaxwayne kuxigeenkii hore ee dalkaasi Atika Abubakar waxaana guud ahaan dadka codeeyay gaarayaan afar Milyan oo qof.  Mr. Abubakar ayaa hoggaamiya xisbiga dimuquraadiga dadka PDP waxaana la sheegay inuu diiday natiijada doorashada.

Guddiga Madaxa banaan ee doorashada ayaa sheegay inay dhaceen wax is-daba marin iyo xatooyo intii lagu jiray tirinta codadka waxaana doorashadaan ka dhashay rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac.

Rabshadaha ayaa waxaa sabab u ahaa dib u dhac ku yimid ku dhawaaqista natiijada doorashada. Golaha xisbiga horu socod ee Madaxwayne Buhari ayaa ku guulaystay 19 kursi oo ka mid ah 36 dowlad deegaan iyadoona Xisbiga PDP uu ku guuleystay 17 Kursi, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in si rasmi ah ay maanta ugu dhawaaqi doonaan natijada doorashada.

Mr. Buhari ayaa dadka siyaasadiida dhaliila waxay ku eedeeyaan kali talisnimo iyo in dowladdiisu ku fashilantay dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha hase ahaatee taageerayaashiisa ayaa aamisan in Buhari uu wax badan ka qabtay dalkiisa gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Boka Xaraam.

Hadalsame Media