
(Muqdisho) 27 Feb 2019 – Howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya—AMISOM—ayaa sheegay in Soomaaliya ay haysato in ka badan labaatan kun oo ciidamo ah kuwaas oo ka howlgala dhamaan shanta xubnood ee maamul goboleedyada ka jira dalka iyo dowladda dhexe.
Wasiirka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow ayaa gacanta laga galiyay natiijada xog arruurin ay sameeyeen saraakiil ka tirsan AMISOM taasoo laga soo kala arruuriyay guud ahaan maamullada ka jira Soomaaliya.
Madasha xogtaan gacanta loogu galinayay dowladda dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan wasiirka amniga gudaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaan wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.
Sida warbixintaan lagu sheegay, dagaalyahano kala duwan iyo maleeshiyooyin qaab qabiil u diyaarsan ayaa ka jiray guud ahaan maamullada Soomaaliya waxaana ay qayb lixaad leh ka qaataan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.
Warbixinta oo ka kooban 60-bog ayaa waxaa tusaale loo soo qaatay maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed halkaasi oo ciidamada maamulladaasi ay ka barbar dagaalamaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya—SNA—iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika.
AMISOM ayaa sheegtay inay hadda doonayso inay ogaato sida waxtarka leh ee ciidamada maamullada ay qayb kaga noqon karaan hanaanka kala guurka amni ee Soomaaliya. Madaxa howlgalka AMISOM ayaa sheegay in iyadoo la raacayo qaraarkii Qaramada Midoobay ee bixitaanka Ciidamada AMISOM aan haddana la dayici doonin guushii laga gaaray xoreynta deegaano badan oo dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Qorshaha ayaa ah in amniga guud ahaan Soomaaliya si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada dowladda Soomaaliya, markaas oo kuwa maamulladana ay kaalintooda ciyaari doonaan.
Warbixitaan oo ahayd mid xiiso leh ayaa waxaa laga soo kala arruuriyay deegaanada maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Warbixinta ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah dagaalamayaasha ciidamada maamullada ay leeyihiin xirfadaha aas-aasiga ah ee tababarada hase ahaatee aysan heysan Hoy fiican, qalab iyo qaab dhismeed habeysan oo dhinaca maamulka ah.
Hadalsame Media