(Al-Howl) 27 Feb 2019 – Hiba, oo ah gabar Soomaaliyeed oo 22 jir ah, oo ku noolayd magaalada Uddevalla oo horay Daacish ugu biirtay ayaa haatan doonaysa in loo ogolaado in iyada iyo cunugeeda yari ay kusoo laabtaan Sweden.
Hiba ayaa sida uu qoray warqaadka Expressen waxay si taxaddar leh u qosheeysatay safarkeeda iyadoo ka duushay Sweden.
Iminka, kaddib 3 sanadood, waxay iyadoo lagu hayo xerada sida aadka ah loo ilaaliyo ee Al Howl ee woqooyi bari Suuriya ay Sweden ka codsatay in la cafiyo.
”Waxaan guriga kasoo kallahay 5-tii subaxnimo. Cidna war igama haynin, waxaan moodayay inay wax wanaagsan tahay in lagu hoos noolaado kooxda Daacish,” ayay ku tiri weriye ka socday Expressen, Kassem Hamadé.
Waxaa xeradaa iminka ka buuxa carruur iyo haween dunida galbeedka ka kala yimid, gaar ahaan dalalka Germany, Holland, France, USA, Indonesia, UK, Sweden iwm.
Everyone here lived during the now collapsed IS caliphate. Also 22-year-old Heba from Uddevalla.
Hiba ayaa sheegtay inay moodaysay in diin la barayo xilli uu ooynayo wiil yar oo 1 sano jir ah oo ay dhashay. ”Wuxuu doonayaa in caano la siiyo.” ayay tiri Hiba.
”Waxaan quud darraynayaa inaan Sweden ku laabanno, balse waxaan maqlay in Sweden aysan na doonayn.” ayay raacisay.
Hiba oo aan weriyaha u sheegin magaceeda dhabta ah ayaa xilligii waraysiga dhex fadhisey teendho ay xerada ka deggan tahay oo ay dabayl ba’ani ruxeeyso, iyadoo lagu jiro xilli roobaad, halkaasoo lagu xareeyay 3 bilood muddo haatan laga joogo.
”Halkan ayaan ku noolahay mase sahlana,” ayay tiri Hiba oo sheegtay inay jeclaan lahayd inuu wiilkeedu nolol nabdoon ku helo Sweden.
Sweden iyo dalalka kale ee Yurub ayaa waxaa haata ka soconaya dood ku aaddan in dhalashooyinka laga xayuubiyo xubnaha horay ugu biiray kooxda ISIS oo u muuqata mid haatan sii baaba’aysa ee doonaya inay dib ugu soo laabtaan dalalkii ay ka tageen.
Hadalsame Media