(Milano) 27 Feb 2019 – Franck Kessie oo dhaawac muruqa ah uga baxay ciyaartii xalay ay 0-0 la noqdeen Lazio, ayaa shaki ku jiraa inuu kasoo muuqan karo kulanka galabta Sabtiga ay ku wajahayaan kooxda Sassuolo.
Laacibkan Ivorian-ka ah oo ka mid ah tiirarka aan la dhaqaajin ee khadka dhexe ee AC Milan ayaa xanuun dareemayay markii ciyaarta laga saaray.
Warqaadka Il Giornale, ayaa qoraya inay noqon karto muruq jiidan, waxayna Milan durba ka fikiraysaa biddaalkiisa iyadoo booskiisa gelin karta Calhanoglu ama Josè Mauri iyo Bertolacci midkood.
Milan ayaa doonaysa inay garaacdo Sassuolo, si ay usii amba qaaddo hardankeeda boosaska Koobka Horyaallada Yurub, iyadoo isla markaa ku rajo wayn inuu soo kabto ugu yaraan ciyaarta Chievo laacibka lambarka 79-aad oo asaasi u ah.
Hadalsame Media