DEG DEG: Millatariga Bakistaan oo soo riday diyaarado Millatari oo Hindiya leedahay

0

(Islamabad) 27 Feb 2019 – Sida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha dibedda Bakistaan, ciidamada millatariga dalkaas gaar ahaan kuwa cirka ayaa dhulka soo dhigay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah kuwaas looga leeyahay Hindiya.

Bakistaan ayaa ku eedeeysay in Hindiya ku soo gar-darootay hawada dalkeeda waxaana cirka isku sii shareeya muranka labada dowladood kaasoo ka dhashay weerar dhowaan lagu dilay askar u dhalatay Hindiya kadib weerar koox mitidiin ah ka gaysteen gudaha gobolka Khasmiir qaybta Bakistaan xigta.

Ciidamada Hindiya oo tallaabadaasi ka jawaabayay ayaa shalay la sheegay inay duqeymo ka gaysteen qaybo ka mid ah deegaanada xaduuda labada dal gaar ahaan dhanka Bakistaan waxaana taasi ay ka careysiisay Bakistaan.

Wasaaradda arrimaha dibedda Bakistaan ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada dalkeeda ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah duuliyaasha Hindiga ah ee waday diyaaradaha la soo riday.

Afhayeen u hadlay Millatariga Bakistaan Jeneraal Asif Ghafoor ayaa sheegay in diyaaradaha Hindiya ay ku soo xadgudubeen hawada dalkiisa sidaas darteedna loo soo riday.

Dhinaca kale Hindiya ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Bakistaan ay ku soo xadgudbeen hawada gobolka Khasmiir oo ay sheegto dowladda Hindiya hase ahaatee ay ku nool Muslimiin laga tiro badan yahay, kuwaas oo halgan kula jira Hindiya muddo dheer.

Ugu yaraan afar garoon diyaaradeed oo ku yaala waqooyiga Hindiya oo uu ka mid yahay madaarka wayn ee qaybta Hindiya ka maamusho gobolka Kashmiir ayaa la xiray kadib digniin aar-goosi oo ka soo baxday shalay dowladda Baskitaan.

Hadalsame Media