DEG DEG: Hindiya oo sheegatay inay soo riddey dayuurad ay leedahay Pakistan (Daawo)

0

(New Delhi) 27 Feb 2019 – Hindiya ayaa sheegatay inay soo riddey dayuurad ay leedahay Pakistani iyadoo qiratay in laga ridey hal dayuurad oo MiG-21 ah, taasoo ay sheegeen inay duuliyeheedii maqan yahay, xilli ay Pakistan sheegatay inay laba soo riddey.

Xilli uu socdey “howlgal cireed ayaa dayuurad ay leeyihiin Ciidamada Cirka Pakistani Air Force waxaa dhulka soo dhigay MiG 21 Bison ay leeyihiin Ciidamada Cirka Indian Air Force” waxayna ku dhacday gayiga Pakistani, ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Dibedda Hindiya, Raveesh Kumar, oo warbaahinta war siiyay.

Hindiya ayaa sidoo kale qiratay inay qaniinyo gaartey, isagoo ku xaqiijiyay in dhankooda laga ridey “hal MiG 21” oo isla dhacdadaas qayb ka ahaa.

Duuliyaha ay Hindiya sheegtay “in la la’yahay” waxaa loo badinayaa mid ay muuqaalkiisa isagoo dhaawac ah soo bandhigeen Ciidamada Pakistan.

Hindiya sooma bandhigin wax ay ku taageeri karto sheegashadeedan cusub oo u muuqata mid lagu dejinayo shacabka, sidoo kale ma carrabaabin nooca ay tahay dayuuradda ay ”rideen.”


Hadalsame Media