(Kashmiir) 27 Feb 2019 – Muuqaal uu Twitter-ka soo dhigay hilinka SAMAA TV ayaa baahiyay xilligii ay iyagoo holcaya hoobanayeen laba dayuuradood oo Hindiya leedahay oo MiG-21 ah.
Waxaa la arkayaa dayuuradaha oo noqonaya kubbad holcaysa hawada Gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir, waxaana sidoo kale la helay sawirrada raqdii dayuuradahan.
Dayuuradda oo hawada mareeysa ayaa mar qura waxaa la maqlayaa jug wayn, waxayna dayuuraddu bilaabaysaa inay ku dhaqaaqdo tiiro hoobad ah, kaddibna waxaa la arkayaa raqdii dayuuradda oo dhulka taalla.
Yeelkeede, saxnimada muuqaalkan uu baahiyay hilinkan Pakistaaniga ah ayaan si madax bannaan loo xaqiijin karin.
پاکستان نے بھارت کے 2 جنگی طیارے مار گرائے،شاہ محمود کی تصدیق#budgam #Pakistan #India https://t.co/FKHF0KksPI pic.twitter.com/LKcbC2PWZz
— SAMAA TV (@SAMAATV) February 27, 2019
خصوصی ویڈیو: پاک فضائیہ کے طیاروں کی کارروائی کے بعد 2 بھارتی طیارے تباہ ہوگئے#SamaaExclusive #SamaaTV #Pakistan #India pic.twitter.com/DawTOEzEUw
— SAMAA TV (@SAMAATV) February 27, 2019