Wasiirkii Arrimaha dibedda Iiraan oo iscasilay! Maxaa ka dhalan kara?

0

(Tehraan) 26 Feb 2019 – Iscasilaada Maxamed Javad Zarif ayaa waxaa la sheegay inay ka dhalan karto dhaawac weyn oo soo gaari kara heshiiskii Nukleerka ee dowladdaha Reer Galbeedku la galeen Iiraan sanadkii 2015-tii.

Fariin uu soo dhiigay ciwaanka Insgramkiisa ayuu Maxamed Javad Zarif raaligalin ka bixiyay inuusan sii wadi Karin shaqada laakin ma uusan bixin wax sharaxaad dheeri ah oo ku saabsan iscasilaadiisa.

Afhayeen u hadlay Wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda Iiraan ayaa xaqiijiyay in wasiirkii arrimaha dibedda dalkaasi uu shaqada ka tagay waxaana sidaas baahiyay warbaahinta dowladdu maamusho ee IRNA.

Waxaan la ogeyn haddii Madaxwaynaha Iiraan Xasan Rooxaani uu aqbali doono iscasilaada wasiirkiisa arrimaha dibedda.

Zarif, ayaa soo ahaa ninka ugu sareeyay siyaasada arrimaha dibedda ee Iiraan tan sanadkii 2013-dii waxaana uu ahaa ninkii qalinka ku duugay heshiiskii caanka ahaa ee dowladdaha quwadaha leh ay Iiraan kula saxiixdeen heshiis ku saabsan Nuckleerka Iiraan.

Hadalsame Media