(Delhi) 26 Feb 2019 – Hindiya ayaa sheegtay inay duqayn cirka ah ka gaysatay qaybta laga xukumo dalka Pakistan ee Kashmiir, halka Pakistan ay sheegtay in dayuuradaha Hindiya ay meel cidlo ah bambeeyeen jeer ay cararayeen.
ये मोदी का हिंदुस्तान है, घर में घुसेगा भी और मारेगा भी,
Air Force carried out aerial strike early morning today at terror camps across the LoC and Completely destroyed it
एक एक क़तरा ख़ून का हिसाब होगा !ये तो एक शुरुआत है .. ये देश नहीं झुकने दूंगा…#Balakot #Surgicalstrike2 pic.twitter.com/fqYJgWxuqX— Gajendra Singh Shekhawat (@gssjodhpur) February 26, 2019
“Ciidamada cirku waxay fuliyeen weerar cirka ah aroortii saaka iyagoo gebi ahaanba burburiyay xeryihii argagixisada,” ayuu yiri wasiiru dowlaha beeraha, Gajendra Singh Shekhawat, oo intaa soo tweet gareeyay.
Warbaahinta Hindiya ayaa iyaduna sheegtay in 12 dayuuradood oo ah nooca guuxooda ka dheereeya ee Mirage 2000 ay duqeeyeen xeryo ay leedahay kooxda Jaish-e-Mohammed, oo ka dagaallanta Kashmir, iyagoo sheegay in weerarkaasi “uu guulaystey 100 boqol” sida uu weriyay NDTV oo soo xiganay oo soo xiganayay ilo ku dhow ciidamada.
Pakistan ayaa dhankeeda sheegtay in Hindiya ay soo gudbeedka Khadka Koontoroolka ee LoC loo yaqaanno ee kala qaybiya dhinacyada ay kala xukumaan labada dal ee gobolka Kashmiir ilaa 3-4 mayl kaddibna ay meelo cidlo duqeeyeen oo deeto baxsadeen, wax dhibaato ahna ma gaysanin, sida ay sheegteen.
Waa markii ugu horreeysey ee ay dayuuradaha dagaalka Hindiya ka gudbaan Khadka Koontoroolka (Line of Control (LoC) oo ah xad beenaan kala qaybiya Kashmiir, tan iyo 1971-kii, markaasoo ay labada dal isku qaadeen dagaal furan.
Lama oga waxa ay noqon karto jawaabta Pakistan, balse weerar noocan ihi wuxuu leeyahay xasaasiyad qaran oo aad u qoto dheer, iyadoo ay Pakistan horay u sheegtay inay jawaabayso haddii la daandaansado.
Indian aircrafts’ intrusion across LOC in Muzafarabad Sector within AJ&K was 3-4 miles.Under forced hasty withdrawal aircrafts released payload which had free fall in open area. No infrastructure got hit, no casualties. Technical details and other important information to follow.
— Maj Gen Asif Ghafoor (@OfficialDGISPR) February 26, 2019
Hadalsame Media