”Waan ka jawaabaynaa GARDARRADA Hindiya” – Guddiga Amaanka Qaranka Pakistan oo hanjabaad soo saaray! + Sawirro (Daawo taariikhda khilaafkan)

0

(Islamabad) 26 Feb 2019 Dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee Hindiya ayaa saaka aroortii duqaymo ka gaystey gayiga Pakistan gaar ahaan qaybta ay ka xukumaan gobolka qaybsan ee Kashmiir, kaasoo ay Hindiya sheegatay inay ku bartilmaameedsadeen kooxda Jaish-e-Mohammed (JeM), taasoo faraha ka saareeysa xiisadda ka dhexeeysa labadan dal ee nukliyeerka ku hubaysan.

Afhayeen u hadlay millateriga Pakistan Sarreeye Guud Asif Ghafoor ayaa sheegay in ciidamada cirka Pakistan heegan la geliyay kaddib markii ay ilaa 4 mayl gudaha soo galeen dayuuradaha Hindiya, taasoo sida uu sheegay keentay in ay “deg deg usii daayaan dhowr bambo xilli ay baxsanayeen”.

Balse Wasiir Dibadeedka Hindiya Vijay Gokhale, ayaa ku adkaystay inay duqeeyeen bartilmaameedyadii ay u socdeen oo ay ku dileen “qaar badan oo ka mid ah argagixisada JeM” sida uu yiri.

AABI AAN LAGA ISTAAHILIN

Kulan gaar ah oo dhex maray Guddiga Amaanka Qaranka oo uu shir guddominayay RW PakistanImran Khan, isla markaana ay fadhiyeen wasiirrada dibedda, gaashaandhigga iyo maaliyadda, abaanduulayaasha qaybaha ciidamada iyo saraakiil kale oo rayid iyo ciidamo iskugu jira ayaa arrintan maanta lagu gorfeeyay.

“Madashu waxay isla garatay in Hindiya ay ku kacday dulmi bilaa sabab ah taasoo ay Pakistan kaga jawaabi doonto goorta iyo goobta ay doorato.” ayay yiraahdeen Guddiga Amaanka Qaranku.

“Waxay bambooyinka ku tuureen dhowr qaybood oo uu ku jiro gobolka Khyber Pakhtunkhwa, waana arrin ka dhigan tacaddi loo gaystey madax bannaanida hawada Pakista.” ayuu yiri Hassan Akbar, oo ah maareeyaha mac’had amaanka falanqeeya oo uu saldhiggiisu yahay Islamabad oo la yiraahdo Jinnah Institute, isagoo sheegay inay Pakistan duqayn karto raca hore ee madaafiicda goobta Hindiya ee yaalla xad beenaadka Kashmiir (LoC).

Hadalsame Media