Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo gaaray Vietnam. Ujeedka socdaalkiisa!

0

(Hanoi) 26 Feb 2019 – Kim Jong un, Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya ayaa gaaray dalka Vietnam isagoo ay la socdaan illaaladiisa sida weyn u diyaarsan, waxaana socdaalkiisa uu salka ku hayaa kulanka dhexmari doona isaga iyo Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump.

Labada Nin ayaa kulankooda waxaa uu ka dhici doonaa Magaalada Caasimadda ah ee Haanooy (Hanoi.), waana shirkii labaad oo ay isku arkaan hoggaamiyaasha Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Waxyaabaha shirkaan looga hadli doono inta uu socdo waxaa ka mid ah arrimaha Nukleyrka Kuuriyada Waqooyi oo uu Maraykanku ku riixayo inay baab’iso kuna bedelato taageero dhaqaale oo xoog leh.

Laakin dadka ka faalooda arrimaha gobolka ayaa sheegaya in kulankii hore ee Kim Jong un iyo Donald Trump aysan ka dhalan natiijooyin wax ku ool ah oo muujinaya in Kuuriyadda Waqooyi iska dhaafeyso hubka Nukleerka.

Kim Jong un ayaa markii uu taagay Magaalada Haanooy ee caasimadda Vietnam waxaa loo fidiyay Roog Cas waxaana sidii caadada ahayd hareerihiisa ruc leynayay illlaaladiisa gaarka ah.

Kim Jong un oo dhoolacadeynaya waxaa uu sidoo kale gacmaha u haatinayay dadkii soo dhaweynayay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada Vietnam.

Goobta lagu soo dhaweeyay waxaa amaankeeda aad u adkeeyay ciidamada dalka Vietnam waxaana la arkay Xawaanka Eyaha ee sida aadka u tababaran oo ay adeegsadaan ciidamada Booliska iyo kuwa amniga

Waxaa socdaalkiisa ku wehliya ninka xagga wadaxaajoodka Nukleyrka u qabilsan oo lagu magacaabo Kim Yong Chol iyo sidoo kale gabar la dhalatay oo la yiraahdo Kim Yo Jong.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump oo si horu dhac ah kaga hadlay kulanka la filayo ee isaga iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in Mr. Kim Jong un uu qaatay go’aan geesinimo leh oo buu yiri uu dalkiisa kaga dhigayo goob barwaaqo ah.

Hadalka Trump ayaa loo qaatay mid uu isaga gadayo dunida isagoo u tusinaya in Siyaasadiisa arrimaha dibedda ay ku guuleysanayso in Kuuriyada Waqooyi ay ka dhaadhicisay inay burburiso hubkeeda nukleyrka, laakin taasi ma ahan mid sahlan sida ay sheegayaan falanqeeyaasha arrimaha amniga ee gobolka.

Hadasame Media