(Dooxa) 25 Feb 2019 – MW Somalia Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhowayd ka degey magaalada Dooxa ee caasimadda Qadar.
Madaxwaynaha ayaa inta uu halkaa joogo dalkaa kala arrinsan doona xiriirka labada dal iyo mashaariic ay Qadar doonayso inay ka fuliso dalka Somalia.
Madaxwayne Farmaajo ayaa waxaa si maamuus sare leh garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyay unugyo ka tirsan ciidamada dalkaasi oo u sameeyay rigo sharafeed.
Hadalsame Media