(Lafoole) 26 Feb 2019 – Shacabkii lagu xasuuqay shalay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta lagu aasay isla deegaakaasi waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qaabka dadkaas masaakiinta ah loo beegsaday.
Rag hubeysan oo watay gaari yar ayaa u yimid dadka shacabka ah kadib waxaa raggii hubeysnaa si arxan darro ah ay rasaas ugu fureen muwaadiniinta geeriyooday. Waxaa sidoo kale weerarkaan ku dhaawacmay 3 haween ah.
Ururka Al-Shabaab oo weerarkaan lagu eedeeyay ayaan illaa hadda ka hadlin waxaana dowladda dhexe ee Soomaaliya u yeertay maamulka deegaanka falkaani ka dhacay kuwaas oo sida wararku sheegayaan su;aalo laga waydiinayo dhacdadaan foosha xun.
Ugu yaraan sagaal ruux oo afar ka mid ah ay haayeen hooyooyin Soomaaliyeed ayaa hal mar meel lagu xasuuqay. Ma aysan hubeysnayn waxayna dhirta geedka la yiraahdo Geed Yuhuudka ka jarayeen hareeraha Laamiga.
Madaxa Arrimaha Bulshada deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose Muqtaar Nuur Geeysay ayaa sheegay in dadka la laayay oo u badan haween ay gaarayaan 9. Sidoo kale waxaa wararku sheegayaan in labo ka mid ah haweenkaasi la afduubtay.
Waxa uu sheegay in dad la laayay ay ahaayeen shacab kuwaas howlo Nadaafadeed ka sameenayay wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan dhinaca deegaanka Lafoole.
Dadka kunool Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa aad uga naxay falkaan bahalnimada ah ee lagu xasuuqay shacabka aan waxba galabsan ee sida dulmiga loo beegsaday.
Hadalsame Media