(Muqdisho) 25 Feb 2019 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.
Shirkan ayaa looga hadlay xulashada hannaanka federaaleynta Maaliyadda, Qaan-gaarsiinta Maamul gobaleedyada, Hannaanka iyo qorshaha dhab-u-heshiinta qaran, Qiimaynta iyo maal-gelinta Halbeegyada Tubaha Qaranka.
Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa ka qayb galayaasha shirka usoo jeedisay xulshooyinka hannaanka Federaalaynta Maaliyadda dalka, arrintaas oo si qota dheer looga hadlay intii uu socday shirkan tubta siyaasadda loo dhanyahay.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo looga hadlay dib-u-habaynta iyo tayeeynta adeegyada caafimaad ee isbitaalka Banaadir.
Sidoo kale, qorshaha tayaynta shaqaalaha rayidka iyo qorshaha ololaha is-xilqaan ee 2019 lagu dhisayo Jamaacadda Umadda, Bangiga dhiiga, Isbitaalka Xooga, Maktabadda, Madbacadda Qaranka, taallooyinka taariikhiga ah iyo jardiinooyinka magaalada Muqdisho.
Hadalsame Media