Gabar kale oo lagu la’yahay Gaalkacyo & qayladhaan la diray

0

(Gaalkacyo) 25 Feb 2019 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in la weysan yahay gabadhii labaad oo ah gabar la da’ ahaan ka ag dhow gabadhii saaka meydkeeda la helay ee Caa’isha Yar.

Sida ay sheegtay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho waxaa la la’yahay gabar 13 jir ah oo magaceeda lagu sheegay Hani Maxamed Warsame.

Qoyska Gabadha ay ka maqan tahay ayaa shaaciyay inay ka maqan tahay gabadhooda seddexdii maalin ee lasoo dhaafay, waxaana hadda ay dalbadeen in lala baadi goobo.

Walwal hor leh ayaa soo wajahay qoyskaan, kadib markii waaberigii saaka magaalada Gaalkacyo laga helay meydka Gabar yar oo lagu magacaabo Caaisha oo jirdil badan uu ka muuqday jirkeeda.

Qoyska gabadha yar ee maqan oo ka welwelsan falkii xalay, ayaa dadwaynaha magaalada ugu baaqay inay la baadi goobaan gabadhooda.

Hooyada dhashay gabadha oo lagu magacaabo Sahro C/Nuur ayaa ka dalbatay Shacabka Gaalkacyo inay lasoo xiriiraan haddii ay raq iyo ruuxba Gabadheeda arkaan.

Waxaa sanadihii dambe si isa soo tareeysa usoo kordhaya tacadiyada ka dhanka ah gabdhaha ee ka dhacaya dalka, iyadoo aan inta badan wax ku filan laga qaban.

 

Hadalsame Media