(Dhaka) 25 Feb 2019 – Isku-day afduub lala damacsanaa Diyaarad rakaab ka qaaday madaar ku yaala Bangladesh kuna sii jeeday Dubai ayaa fashilmay kadib markii ciidamada gaarka ah ee Bangladesh ay toogasho ku dileen nin ku hubeysnaa bastoolad.
Ciidamada ayaa ninka hubeysnaa rasaas ay is-dhaafsadeen waxaa ugu dambeyn ku dhintay ruuxii afduubka isku dayay.
Kahor inta uusan dhaawaciisa u dhiman ayaa waxaa uu waydiistay ciidamada inuu doonayo inuu arko Ra’iisul Wasaaraha dalka Bangladesh.
Diyaarada ayaa ka kacday Madaar ku yaala Magaalada caasimadda ah ee Dhaka. Duuliyaha ayaa si deg deg ah diyaarada ugu dajiyay madaarka Chittagong afartan daqiiqo uun kadib markii ay duushay.
Dhamaan rakaabkii saarnaa diyaarada oo gaaraya 143 ayaa la sheegay inay bad qabaan waxaaa sidoo kale socda baaritaan lagu ogaanayo sababta ka dambeysay isku-daygaan fashilmay.
Qaar ka mid ah rakaabka diyaarada saarnaa ayaa sheegay in ninka falkaan ak dambeeyay oo magaciisa aan la shaacin uu u ekaa ruux maskaxda ka jiran waxaana uu sidoo kale intii uusan dhaawaca u dhiman waydiistay in xasaaskiisa lala hadashiiyo.
Hadalsame Media