(Gävle) 25 Feb 2019 – Dowladda hoose ee Gävle ayaa dhaleecayn ba’an la kulantay kaddib markii ay haweenay Muslim ah oo madax dabool qabta ay u adeegsatey ‘boostarka soo dhowaynta ah’ ee magaaladaasi.
Sawirka Suzan Hindi, oo ah haweenay Muslimad ah oo ku jirta da’da 40-jirka ayaa la surey jidka dhiniciisa, magaalo xeebeedka Gävle oo 100km woqooyi kaga beegan Stockholm. T
Sawirka oo kasoo muuqanaya boodh digital ah ayaa waxaa kasoo baxaya farriin u dhigan: “Kusoo dhowoow Gävle!”
Dowladda hoose ee magaalada ayaa isku difaacdey inay arrintan uga dan lahayd inay ku xoojiso bulshadeeda kala dhaqanka duwan ee meelaha kala geddisan kasoo jeeda, balse qaar xag-jirka midig ah ayaa arrintaa siyaasadeeyay iyagoo sheegay in lagu taageerayo wax ay ku sheegeen ”cadaadiska xorriyadda haweenka.”
“Waa in laga fikiraa waxa ay arrintani ka dhigan tahay, waayo dad badani xornimadooda kuma sitaan xijaabka oo waa cabburin,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan xisbiga Cunsuriga ah ee SD, Roger Hedlund, oo sidoo kale xubin ka ah golaha degaanka Gävle oo u warramay Nyheter Idag.
Hadalsame Media