(Pretoria) 25 Feb 2019 – Qaaradda Afrika waxaa si xooggan uga jira ganacsi lagu dhoco dadka masaakiinta ah oo ay sameeyaan niman sheeganaya inay yihiin wadaaddo Masiixi ah oo dadka diintaa haysta ka dhaadhiciya inay sameeynayaan waxyaabo ”mucjiso ah”, kaddibna sidaa uga dhaca xoolo fara badan.
Nin South African ah, oo lagu magacaabo Alpha Lukau ayuu warkiisu aad u xulayaa baraha bulshada kaddib markii uu sheegtay inuu soo nooleeyay nin dhintay, taasoo uu ku ceeboobey.
Ninkan iyo asxaabtiisa oo uu ku jiro ninka la sheegay ”inuu dhintay ee misna soo noolaaday” ayaa sheekadan isla soo dhisay, balse haatan wuxuu halis ugu jiraa in maxkamad la saaro oo dacwad lagusoo oogo.
Qolooyinka duugta qaban qaabiya ayaa sheegay in muuqaalka ninku uu sheegayo inuu ninkani yahay mid nool balse naxashka dhex seexday, iyagoo tilmaamay in qof 3 maalmood mootanaa uusan jir ahaan noocaas u ekeeyn oo uu jirkiisu sii madoobaanayo maadaama uusan shaqaynayn, sidoo kalena sanka iyo afka wax looga cubo.
Waxay kaloo sheegeen in falcelinta goobta lagusoo bandhigay waxa ”mayd kicinta” lagu sheegay ay ka muuqato in arrinta la isla sii ogaa balse jilliinka la xumeeyay, waayo si ku filan looma muujinin la yaabka iyo qaadan waaga dad arkay qof dhintay oo soo toosay.
Qolada duugta agaasinta (Funeral parlor) waxay arrintan uga digeen shacabka, waxayna sheegeen in Lukau uu kaliya doonayay in arrintan ku xoojiyo saamayntiisa si uu dadka lacago uga gurto.
Waxay kaloo sheegeen in ninkan ay ula yimaadeen dad u sheegtay xubnaha qoyskiisa oo u sheegay in ay dadka kale oo duugta agaasima is fahmi waayeen, balse ay iyagu naxashkooda wateen, isla markaana aysan u kaydin ninkan ‘maydka’ lagu sheegay, sidaa darteed, sheekadan laga hoos bixiyay.
Hadalsame Media