DAAWO: Laacib Talyaani ah oo sameeyay dabaaldeggii Diego Simeone (Maxaa ka raacay?!)

0

(Roma) 25 Feb 2019 – Laacib ka dheela horyaalka heerka 4-aad ee Serie D ee Talyaaniga ayaa roose la laqsiiyay kaddib markii uu sameeyay dabaal deggii anshax xumada ahaa ee uu Diego Simeone sameeyay kulankii ay 2-0 uga badiyeen Juventus.

Qannaaska kooxda Prato ee Riccardo Moreo ayaa u dabbaal degayay guushii ay 2-1 uga badiyeen kooxda Viareggio isagoo xaniinyaha ku dhegey una jeestey dhanka taageerayaasha sidii uu yeelay Simeone todobaadkii hore.

Yeelkeede, garsoorahani uma dulqaad badnayn sidii Felix Zwayer oo qabanayay ciyaartii Juve iyo Atleti ee 16-ka Champions League, wuxuuna weeraryahanka ku salaamey rooso qallalan.

CalcioNews24 ayaa sheegay in garsooruhu uu raacayay xeerka arrintan markii uu garoonka ka cayrinayay Moreo oo waayihiisa ciyaareed ku bilaabay AC Milan.

Hadalsame Media