DAAWO: ”Igala tag nacnacda!” – Cassano & Wanda Nara oo ay ka tafatay barnaamijka Tiki Taka

0

(Milano) 25 Feb 2019 – Waxay ka tafatay Antonio Cassano iyo Wanda Nara oo iskula dhacay arrinta Mauro Icardi jeer si toos ah looga daawanayay barnaamijka Tiki Taka qaybtii Axadda, iyadoo ka xanaaqdey mar uu yiri ‘wuxuu u baahan yahay inuu ku laabto qolka lebbiska oo uu arrinta u sharroxo.’

Wanda ayaa deeto difaac adag oo dhanka Icardi ah gashay, kaasoo aan wax kulan ah safanin tan iyo markii kabtannimada laga xayuubiyey laba todobaad kahor.

“Kubadda waxaa jira cadaalad darro badan, sida rigoorihii, hab-dhaqanka Perisic iyo Icardi oo guriga la fariisiyay, oo ah qof wax kasta u huray Inter balse hadda loo sawiray sida waxshi, uusan ahayn,” ayay tiri.

“Mauro ha tago qolka lebbiska si uu arrinta u xalliyo? Bis iga dheh nacnacdaas. Maxay tahay qolka lebbisku ma fiisiyo terabiyaa (physiotherapy? Waxba ma uusan samaynine waa daraama aan jirin.” ayay raacisay.

Cassano – oo horay ugu dheeley Nerazzurri – ayaa deeto jawaabey: “Waxay doonayaan kaalinta 3-aad, waxayna u baahan yihiin goolashiisa. Wuxuu u baahan yahay inuu ku laabto qolka lebbiska waayo kooxda kama maqnaan karo ilaa Juun. Waxaana hadalkaa u leeyahay Interista ahaan.” ayuu ku dooday.

Shilka Perisic ayaa ku saabsanaa garab weerarkan oo Matteo Politano ku qabsaday samaynta dabaal degga Icardi ee dheg qabsiga goolkii uu ka dhaliyay Fiorentina.


Hadalsame Media