(Tooratoorow) 25 Feb 2019 – Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo gudaha u galay xarumo ay maamulayeen ururka Al-Shabaab kuwaas oo ku yaala deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabelleda ayaa halkaas ka soo qaatay qalab fara badan sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.
Ciidamadaan oo ka mid ah kuwa Danab ee sida gaarka u tababaran ayaa xalay saqdii dhexe gudaha u galay deegaanka Tooratoorow iyadoo aysan la kulmin wax iska caabin ah waxaana la sheegayaa inay galeen guryo iyo xaafiisyo ay lahaayeen ururka Al-Shabaab.
Waxyaabaha ay qaateen ciidamadu waxaa ka mid ah agab millatari, Teleefano, komputuutaro iyo sidoo kale qoraalo dukumentiyo ah oo dhamaantood sida la sheegay ururka Al-Shabaab la haayeen.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii habeen hore si ba’an diyaarado dagaal u duqeeyeen deegaanka Tooratoorow iyo deegaano kale oo ka tirsan Shabeellada Hoose.
Dowladda Maraykanka ayaa shalay sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka oo garabsiinayay ciidamada dowladda Soomaaliya ay burburiyeen saldhigyo dhowr ah oo ku yaala gobolka Shabeellada Hoose.
Howlgalkan oo sidoo kale lala beegsaday goobo la sheegay in Al-Shabaab ay canshuuro ku qaadi jireen ayaa waxaa ku dhintay afar ruux sida wararku sheegayaan.
Illaa hadda ma jirto wax faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxay dhanka ururka Al-Shabaab.
Hadalsame Media