Al-Shabaab oo lagu eedeeyay Haween danyar ah oo maanta lagu xasuuqay deegaanka Lafoole

0

(Lafoole) 25 Feb 2019 – Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ay xasuuq ba’an u gaysteen dad shacab ah oo u badnaa haween kadib weerar ka dhacay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada Hoose.

Madaxa Arrimaha Bulshada deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose Muqtaar Nuur Geeysay ayaa sheegay in dadka la laayay oo u badan haween ay gaarayaan 9. Sidoo kale waxaa wararku sheegayaan in labo ka mid ah haweenkaasi la afduubtay.

Waxa uu sheegay in dad la laayay ay ahaayeen shacab kuwaas howlo Nadaafadeed ka sameenayay wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan dhinaca deegaanka Lafoole.

Dadka kunool Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa aad uga naxay falkaan bahalnimada ah ee maanta lagu xasuuqay shacabka aan waxba galabsan ee sida dulmiga loo beegsaday.

Hadalsame Media