Soomaaliya waxay lumisay Waaya-ujoog rug-cadaa ahaa! Wax badan ka ogow dilka Xildhibaan Boqore

0

(Muqdisho) 24 Feb 2019 – Alle ha u naxariistee Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa kooxo ku hubeysnaa bastoolado ku dileen degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu ahaa waayeel 80 jir ah waxa uuna ku dhashay dalka Jabuuti, waxaana xiligii gobanimodoonkii uu ka mid ahaa dadkii gumeystihii Faransiiska ay ka soo masaafuriyeen Jabuuti ee la keenay Magaalada Muqdisho, isagoo xiligaas noqday askari kana gaaray darajada Korneel.

Waxaa uu xilal badan ka soo qabtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaana dhowr jeer lagu abaalmariyay shahaado sharaf. Isaga ayaa dhowaan mar uu hadlayay sheegay kahor geeridiisa in gurrigiisa ay buux dhaafiyeen shahaadooyin la xiriira waxqabadkiisa xiligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kahor burburkii.

Wuxuu ahaa adoon Illaahay oo dadka yaaqanay ay ku si feeyeen Caabud ku xiran Illaahisa islamarkaana ka mid ahaa shaqsiyaadka ku jira Baarlamaanka kuwa ugu aqlaaq wanaagsan waxaana inta laga yaqaanay doodihiisa ay la xiriireen Soomaalinimada.

Dhowaan mar uu ka hor hadlayay Baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegay in isaga askari illaalo u ah uu Feeray sidaasina Isbitaalka loo dhigay. Sababta ayuu ku sheegay in afar bilood wuu wax mushaar ah u waayay askariga illaalinayay waxaana markii uu isbitaalka ka soo baxay uu raaligalin ka dalbaday isla askarigii isaga Feeray.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa inta badan hadaladiisa waxaa uu ku dhiiragalin jiray xubnaha baarlamaanka iyo masuuliyiinta dowladda inay Hoteelada ka soo baxaan oo ay xaafadaha shacabka dhex dagaan.

Waxaa uu gurri ka deganaa xaafad ka tirsan degmada Kaaraan mana uusan haysan ciidamo illaaliya waxaana shacabka degmada ay sheegeen in xitaa uu iska fadhiisan jiray mararka qaar kood goobaha Bulshada caadiga ah oo u shaahiisa ka cabi jiray.

Ma uusan ahayn mid dadka isaga sooca masuuliyada weyn ee uu hayay ee ka mid ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Soomaaliya ayaa inta badan lagu yaqaan inay aad isku illaaliyaan mana dhexgalaan dadwaynaha caadiga ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilka Marxuun Boqore waxaana warar aan la xaqiijin sheegayaan in marxuunka dhowaan laga wareejiyay askari Illaalo u ahaa oo ciidamada Booliska ay ka wareejiyeen.

Sida Muuqata waxaa inkastoo waqtigiisii dhamaaday uu eersanayaan dayaacad iyo in dowladdu aysan xil iska saarin illaalinta Xildhibaan Boqore oo la ogaa inuu ahaa nin Naf hurre ah oo bulshada caadiga isaga dhex nool.

Hadalsame Media