Dhanka Man Utd: Manchester United oo uu wato macallin yaraha soo baxaya ee Ole Gunnar Solskjaer 9 kulan Premier League may garanaynin dhadhanka guuldarrada, hase la yaabin, guuldarradii ugu dambaysey ee kooxdaa gaartaa waxay ka timid isla kooxda Reds oo 3-1 ku dubatey gegada Anfield – Jose taasoo ahayd ciyaartii lagu cayriyay Mourinho, sidaa darteed United oo u dagaallamaysa boosaska Yurub waxaa sidoo kale xusuus qorkeeda ku qoran inay ka aar gudato wiilasha guduudan.
Dhanka Reds: Liverpool oo haatan kaalinta 1-aad ay isku dhibco yihiin kooxda Manchester City oo ay laakiin iyaga ciyaari harsan tahay, ayaa haddii dhulka dhigaan dhinaca United, 3 dhibcood oo dhan kula dhegaya hoggaanka horyaalka. Jurgen Klopp oo inta badan lagu xifaaleeyo inuu banooni qurxoon dheelo, balse aanu weli koob gacanta ugu dhigin kooxdiisa ayaana aad ugu dadaalaya inuu u babac dhigo duufaan kasta oo ka hor timaadda, si uu arrintaa uga jiba keeno.
Hadalsame Media