FIORENTINA VS INTER MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Firenze) 24 Feb 2019 – Waxaa caawa kulanka todobaadka 25-aad ku ballansan labada naadi ee Fiorentina iyo Inter Milan oo ku ballansan gegada Artemio Franchi, Firenze.

Dhanka Viola: Kooxda reer Florence waxay u dagaallamaysaa boosaska Yurub, waxaana ka maqan Pezzella, Milenkovic ayaa deeto daafaca dhexe ku wehlinaya Vitor Hugo halka Lurini uu buuxinayo dadabka midig. Weerarka Simeone ayaa ka cad cad Muriel.

Dhanka Inter: Kaddib kala bedelkii yaraa ee safkii ciyaaray Europa League, Spalletti wuxuu ku tashanayaa safkiisa 1-aad. Daafaca waxaa ka mid ah D’Ambrosio iyo De Vrij, garab weerarka midig Politano ayaa ka horreeya Candreva. Waxaa maqan Icardi iyo Keita.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 23 TERRACCIANO, 33 BRANCOLINI, 5 CECCHERINI, 16 HANCKO, 6 NORGAARD, 14 DABO, 29 MURIEL, 27 GRAICIAR, 10 PJACA
  • 27 PADELLI, 46 BERNI, 23 MIRANDA, 13 RANOCCHIA, 29 DALBERT, 5 GAGLIARDINI, 21 CEDRIC, 15 JOAO MARIO, 20 BORJA VALERO, 87 CANDREVA

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Pezzella, Mirallas
  • Vrsaljko, Icardi, Keita

Hadalsame Media