Faahfaahin ku saabsan dad loo xiray dilkii Xildhibaan Boqore

0

(Muqdisho) 24 Feb 2019 – Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in gacanta lagu dhigay labo ruux iyo gaari yar oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dil shalay galinkii dambe loo gaystay Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore.

Cabdullahi Xasan Bariise oo ah Taliyaha hogaanka ilaalada canshuuraha Bariga ayaa sheegay in labada qof ee la qabtay lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilka Xildhibaanka loo gaystay oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Taliye Bariise ayaa sheegay in sharci la horkeeni doono sida uu yiri shaqsiyaadkan lagu eedeynayo inay dilka ka dambeeyeen.

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ahaa ninka ugu cimriga weyn Golaha shacabka Soomaaliya ayaa lagu dilay degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan goobta dilku ka dhacay ayaa la sheegay inay soo qaadeen meydka Marxuunka. Kooxaha dilka gaystay ayaa la sheegay inay wateen gaari yar, hase ahaatee illaa hadda ma cadda haddii marxuunka la dilay uu watay illaalo iyo in kale.

Warar aan la xaqiijin oo ka soo baxaya Maamulka degmada Kaaraan ayaa sheegaya in la qabtay koox lagu tuhmayo inay dilkaan ka dambeeyeen. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilkaan.

Waa xildhibaankii ugu horeeyay oo muddo labo sanno ah lagu dilo Magaalada Muqdisho waxaana xildhibaan Boqore uu ka mid ahaa Xisbiga Madaxwaynihii ee Hore Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Hadalsame Media