(Sharm El-Sheikh) 24 Feb 2019 – DF Somalia ayaa madax u noqonaysa sida la yiri Golaha Wasiirrada ururka fadhiidka ah ee Jaamacadda Carabta, 6-da bilood ee soo socda.
Wasiir Dibadeedka Somalia, Axmed Ciise Cawad, ayaa arrintan sheegay jeer uu ka qayb qaadanayo shirka Midowga Afrika iyo Midowga Yurub kaasoo ku qabsoomaya Sharm El-Sheikh.
”Guud ahaan ajendaha shirku wuxuu eegayaa: Arrimaha qaxootiga, amaanka, maalgashiga iyo sidii uu u dhici lahaa iskaashi dhow oo dhexmara labada umadood.” ayuu u sheegay VOA.
Wasiirka ayaa beeniyay su’aal la waydiiyay oo ahayd in la yareeyay gargaarkii la siinayay Somalia, kaasoo uu sheegay in taa biddaalkeeda la kordhiyay.
Hadalsame Media