(Muqdisho) 24 Feb 2019 – Alle ha u naxariistee Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa kooxo ku hubeysnaa bastoolado ku dileen degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu ahaa waayeel 80 jir ah waxa uuna ku dhashay dalka Jabuuti, waxaana xiligii gobanimodoonkii uu ka mid ahaa dadkii gumeystihii Faransiiska ay ka soo masaafuriyeen Jabuuti ee la keenay Magaalada Muqdisho, isagoo xiligaas noqday askari kana gaaray darajada Korneel.
Xildhibaanka ayaa degganaa xaafadda Buulo Axmed Cabdalla ee degmada Kaaraan oo ah mid isku raran ah, waxaana goobta lagu diley oo ah guri uu isagu leeyahay oo dhisme ka socdey markii la eego la garan karaa in ay jiri kartey fursad lagu soo gaari karey kooxihii dhagar qabayaasha ahaa ee dilka gaystey.
Xildhibaanka ayaa xilligii la dilayay la sheegay inuu u yimid inuu kormeero goobta shaqada, isla markaana uu mushahar maalmeedkooda siiyo shaqaalihii dhisayay.
Oday waayeel ah oo ka tirsan deriskiisa ayaa isagoo ooynaya sheegay inuu ahaa nin dersaanta iyo dadka dhibaataysanba caawin jirey.
Hay’aadka amaanka ayaan inta badan wax ka hortag iyo ka daba tag toona ka gaysan amaan xumada ka jirta magaalada Muqdisho.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka war uu ka diyaariyay Dalsan TV.
Hadalsame Media