SACUUDI CARABIYA:-Shiinaha xaq ayuu u leeyahay inuu dhiso xerooyin lagu bahdilayo Muslimiinta

0

(Beijing) 23 Feb 2019 – Dhaxal sugaha Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salaam oo reer galbeedku ugu yeeraan MBS oo hadda wajahaya waji gabax ka raacay dilkii weriye Jamal Khashuuqji ayaa u muuqda inuu sameynayo xulufo iyo is-gaashaan buureysi hor leh.

MBS oo shalay safar u tagay Magaalada Beijing ee caasimada dalka Shiinaha ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay xaq u leedahay sida uu yiri inay dhisto goobo iyo xerooyin dib u habeyn loogu sameynayo Muslimiinta gaar ahaan dhanka waxbarashada la xiriirta caqiidadooda Islaamka.

MBS ayaa adeegsaday hadalo inta badan looga bartay madaxda reergalbeedka oo ah Argagixiso iyo xagjinirmo taasoo ay ula jeedaan Muslimiinta. MBS ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada  Beijing oo uu safar shaqo ku tagay.

Socdaalkiisa ayaa salka ku haya heshiis cusub oo dhinac shidaalka iyo warshadaha Kiimikada la xiriira.

Dowladda Shiinaha ayaa dhowaan sheegtay inay dhisayo xarumo iyo xerooyin cusub oo lagu bahdilo Muslimiinta dalkaasi oo ee la yiraahdo Uighur. Shiinaha ayaa sheegay in dhaqan celin xaga tacliinta loo sameynayo Muslimiintaas oo intooda badan asal ahaan ka soo jeeda Turkiga.

Tallaabada dowladda Shiinaha ayaa waxaa aad u cambaareeyay hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka iyo sidoo kale dowladdo uu Turkiga ka mid yahay.

Hadalsame Media