(Jaban) 23 Feb 2019 – Mr. Yoshitaka Sakurada oo ah wasiirka ciyaaraha Olombikada ee Jabaan ayaa si guud raaligalin uga bixiyay sadex daqiiqo uu sheegay inuu ka soo daahay kulan ay lahaayeen Baarlamaanka Dalkaasi Jaban.
Xubnaha Mucaaradka ah ee ku jira Baarlamaanka ayaa si kulul ugu eedeeyay Mr. Yoshitaka Sakurada ixtiraam darro ka timid xaafiiskiisa oo ay sheegeen inuu saacado badan ka soo daahay kulan ay lahaayeen guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka.
Wasiirka ayaa sheegay sida uu uga xunyahay in si kale loo qaato maqnaanshihisia iyo soo daahitaankiisa waayo buu yiri waxaan ku mashquulsanaa Rikako Ikee oo ah ciyaartoy dhanka dabaasha ku fiican.
Rikako Ikee ayaa la dhigay Isbitaalka kadib markii laga sheegay xanuun la yiraahdo leukaemia Kaasoo ah nuuc ka mid ah cudurada Kansarka.
Rikako Ikee ayaa aad loogu han weyn yahay inay qayb ka noqon karto ciyaaraha olombikada ee sanadka 2020-ka oo ay dalkeeda Jaban ku matali doonto.
Mr. Yoshitaka Sakurada ayaa dhowr jeer oo hore dhaliilo culus kala kulmay xubnaha mucaaradka ah ee ku jira baarlamaanka kuwaas oo qaar kood ku eedeeyay wasiirka xadgudubyo kala duwan. Mucaaradka ayaa Mr.Yoshitaka Sakurada ka dalbaday inuu iscasilo
Hadalsame Media