(Afgoye) 23 Feb 2019 – Ciidamada Millatariga Soomaaliya ayaa dhowr tuulo kala wareegay ururka Al-Shabaab sida ay sheegayaan wararka la helayo gobolka Shabeellada Hoose.
Tuulooyinka Al-Shabaab laga saaray ayaa kala ah Kaxarlow, Cali dheere, Xaawo Adduunyo, God doofaar iyo tuulooyin kale oo hoostaga Degmooyinka Wanla weyn iyo Afgooye.
Howlgalkan waxaa hogaaminayay Taliyaha ururka 35-aad guutada 7-aad ee qeybta 60-aad Gaashaanle Maxamed Cabdullahi Caraaye.
Taliyaha ururka 35-aad guutada 7-aad ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Kornel Maxamed Cabadullahi Caraaye oo Warbaahinta kula hadlay gudaha tuullada Kaxarlow ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray tuulooyinka Kaxarlow cali dheere, Xaawo Adduunyo iyo degaano badan hoostaga gobolka Shabellada Hoose
Korneel Maxamed Cabdullahi Caraaye waxa uu sheegay degaannada laga sifeeyay Al-Shabaab ay ka jiraan dhibaatooyin xagga nolosha ah, loona baahanyahay in shacabka halkaasi ku nool la gaarsiiyo kaalmo dhinac waliba leh.
Hadalsame Media