(Muqdisho) 23 Feb 2019 – Dhismaha xabsigaan oo ka mid ah kuwa ugu casri san dalalka Afrika ayaa soo billaabatay xiligii dowladdii hore uu Madaxwaynaha ka ahaa Xasan Shiikh Maxamuud waxaana la dhameystiray intii ay jirtay xukuumada Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maanta labo sanno jirsatay.
Xabsigaan ayaa laga dhisay xaruntii hore ee Ciidamada Asluubta oo ku tallaa duleedka dhinaca Koonfureed ee Magaalada Muqdisho.
Xabsigaan oo loo dhisay qaab casri ah, ayaa waxaa daah furkiisa ka qaybalay madaxda dalka ugu sareysa.
Dhismaha Xabsigaan ayaa wuxuu soo socday sanadihii la soo dhaafay, iyadoo dowladdu ku guuleysatay qalabeynta xabsigaan oo si caadi ah maxaabiista loogu xiri karo.
Taliyaha Ciidamada asluubta Somaliya Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay ahmiyad wayn inuu leeyahay furitaanka xabsigaan, maadaama wax waliba ay u dhameystiran yihiin.
Bashiir Goobe ayaa sheegay in maxaabiista Soomaaliyeed xuriyada oo ka maqan ma’ahane inta kale ay ka heli karaan xabsigan cusub ee dowladda ay dhistay.
Sidoo kale maanta ayaa Ciidamada asluubta waxa ay u dabaaldageen 49-sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaskooda.
Hadalsame Media