DAAWO: Duuliye dayuurad rakaab ah oo iska hurdey jeer ay dayuuraddu hawada ku jirto + Sawirro

0

(Hong Kong) 23 Feb 2019 – Duuliye sare oo “leh waaya aragnimo duullimaad oo 20 sanadood ku dhow” ayaa lasoo helay isagoo hurdaya jeer ay hawada ku jirto dayuurad rakaab ah oo uu wadey.

Ninkan oo duuliye ka ah China Airlines 747 ayuu la duuliyihiisu muuqaal ka duubay isagoo indha guduudsanaya, wuxuuna muuqaalkan yaxyaxa lihi soo baxay maalmo uun kaddib markii ay duuliyayaasha Shiinuhu ka laabteen shaqo joojin ay uga cabanayeen daalka iyo saacadaha dhaadheer ee ay shaqeeyaan.

Muuqaalka ayaa muujinaya duuliyahan waaya aragga ah oo ay indhihiisu isku dheggan yihiin madaxana hoos u raaricinaya shirka dayuuradda.

Duuliyahan lama magacaabin, balse waxaa la sheegay in dayuuraddan uu kaxaynayay ee Boeing 747, oo ay ka shaqeeyaan duuliyayaasha ugu yaraan 20 sano oo waaya aragnimo shaqo lihi ay badiyaa isku xirto Tokyo, Okinawa, Seoul iyo Hong Kong.

Duuliyahan ayaa sidoo kale la sheegay inuu macallin duuliye ka yahay, dugsiga lagu barto duulinta ee China Airlines Flight Training Centre.

Hadalsame Media