Burundi oo Ciidamo kala baxday Soomaaliya iyadoona ku hanjabtay in dhamaan ciidamadeeda ay la bixi doonto

0

(Muqdisho) 23 Feb 2019 – Ugu yaraan 200 oo askari oo ka tirsan ciidanka Burundi ayaa laga daad-guureeyay Muqdisho qamiistii taasoo bilow u ah qorshe 1,000 askari oo Burundiyaan ah looga saarayo dalka Soomaaliya.

Go’aanka ciidamada Burundi looga saarayo Soomaaliya ayaa qayb ah heshiis ay horey u gaareen Midowga Afrika iyo sidoo kale Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay isku diyaarinayso inay la wareegto amniga dalka Soomaaliya marka ay baxaan ciidamada AMISOM oo la sheegay in si tartiib tartiib ah loo dhimayo.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmo kahor safar ku taagay dalka Burundi halkaasi oo looga hadlayay arrimaha amniga Gobolka iyo qorshaha ciidamada Burundi looga saarayo Soomaaliya.

Ciidamada Burundi oo ah kuwa labaad ee ugu badan ee jooga Soomaaliya ayaa inta badan waxay ka howlgalaan Gobolka Shabeellada Dhexe gaar ahaan deegaanada Raaga Ceele, Cadalle iyo deegaano kale oo ka tirsan Hirshabelle.

Madaxda Maamulka Hirshabelle ayaa dhowaan walaac ka muujiyay bixitaanka askarta ka soo jeeda Burundi iyagoona sheegay in amniga gobolka Shabeellada Dhexe uu dhaawac soo gaari karo.

Dowladad Burundi ayaa ku hanjabtay inay dhamaan la bixi doonto ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya iyadoona sheegtay in haddii la dhimo ciidamada ka jooga Soomaaliya ay halis galayaan askarteeda kale ee ku sugan Soomaaliya. Burundi ayaa ku doodaysa in dalalka ciidamada AMISOM ka wada socda ay si cadaalad ah u qaybsadaan tirada mar walba laga saarayo Soomaaliya ee aan iyada culeys gaar ah la saarin hal mar.

Hadalsame Media