”Wanda waxaa kasii dhaqan xun Icardi” – Lopez oo wax badan oo qarsoon ka sheekeeyay!

0

(Milano) 22 Feb 2019 – Maxi Lopez ayaa sheegay in Mauro Icardi uu istaahilo wakiil dhaama xaaskiisii hore ee Wanda Nara balse wuxuu sheegay in qannaaska Inter uu ‘ka dhaqan xun yahay’ Wanda lafteeda.

Wanda ayaa waxaa horay u qabi jirey Lopez oo ay 3 carruur ah u leedahay, balse waxay kala tageen kaddib markii ay soo baxday inay wax la qasqasanaysay Icardi, oo ay xilligaa u wada ciyaarayeen Sampdoria.

“Waxaan qabaa in agaasimayaasha Inter ay qadyaan ka istaageen Wanda iyo qaabka ay wax u maareeyso, waxaa dheer in Icardi aanu haatan u dheelin sidii uu beri ahaa, taa ayaa tillaabada keentay,” ayuu 34-jirkani u sheegay Radio La 990, isagoo sheegay in Wanda ay wax qastay oo hadda taagan u sabab tahay.

“Xiriirka aan la leeyahay Wanda waa mid aad u dhib badan, hadda carruurtayda isma aragno, mana la ii ogola inaan xitaa la hadlo. Muwaafaqo ma jirto, sanado badanna waxaannu warka isu marinaynay qareenno.

“Mauro wuxuu u dhaqan egyahay iyada, mararka qaarna isagaaba ka daran. Waana sababta keentay inaanan waxba ku darsan. Dhaqankiisu waa uun isku mid, waxaan u sheegay inuu waxyaabaha qaar fahmo marka uu aabbe noqdo, balse sidaa ma uusan yeelin.” ayuu yiri Max.

“Tusaale ahaan, shalay waxay ahayd maalinta dhalashada wiilkayga, waxayna igu caayeen telefoonka. Xiriir noocee ah ayaad la yeelan kartaa dad noocaas ah?” ayuu is waydiiyay Max oo sheegay in uu Wanda ka diidey inay wakiil u noqoto waagii ay is qabeen.

Hadalsame Media