Lucas Paquetà oo jebiyay rikoodh uu dhigay Liete Kaká

0

(Milano) 22 Feb 2019 – Laacibka cusub ee Lucas Paquetà ayaa isagoo oo uu dabcan wehliyo Piatek, waxay ka yaabiyeen bandhiggooda Rossoneri ee sanadkan cusub ee 2019.

Laacibkan reer Brazilian, oo caawa sidoo kale safka 1-aad kaga jira ciyaarta Empoli, ayaa sidaa 9 kulan oo xiriir ah Milan ugu saftay tan iyo soo wareegistiisii.

Waana rikoodh cajiib ah oo uu uga sara maray xitaa halyeeygii Milan Riccardo Kaka, kaasoo markii uu Milan yimid sanad-ciyaareedkii 2003-04, 8 kulan oo xiriir ah saftay.

Laacibkii hore ee lambarka 22-aad ayaa ka maqnaaday ciyaartii  Bologna-Milan (0-2) maaddaama loogu yeerey xulka Brazil.

Hadalsame Media