(London) 22 Feb 2019 – Laacibka Gonzalo Higuain oo beri dhowayd Milan ka aadey dhanka Chelsea ayaa u muuqda mid aan halkaa ku waari doonin, arrintuna ma aha mid bandhiggiisa uun la xiriirta.
Sida uu baahinayo Sky Sports, kaddib ganaaxa FIFA oo Chelsea ka xannibtay suuqa kala iibsiga labada fasal ee soo aaddan, kaddib markii ay ku tacaddisey xeerarka u yaalla soo qaadashada da’yarta, ayaa saamayn karta mustaqbalka Pipita.
Naadiga Roman Abramovich oo iminka haysta 3 maalmood oo uu rafcaan uga qaato xukunka lagu ridey, ayuu si kastaba ganaaxani xumaynayaa aayaha Higuain ee Blues.
Pipita ayaa la sheegay in haddii uu ganaaxan wax ka bedeli waayo rafcaanka soo socda, uu dib ugusoo laabanayo Juventus haddii ay Cheslea wajahdo duruufo ku adkaynaya inay wada qaadato laacibka, ama sida heshiiskiisa ku jirta, ay sanad kale ku dheereyso amaahdiisa.
Hadalsame Media