ACM VS EMP 3-0… Milan oo u karaarinaysa kaalinta 3-aad + Sawirro

0

(Milano) 22 Feb 2019 – Kooxda AC Milan ayaa sii amba qaadaysa gaardiskeeda kaalinta 3-aad, kaddib markii ay 3-0 ku dubbaysey kooxda Empoli.

Waxaa goolasha u kala dhaliyay Krzysztof Piatek, Franck Kessie iyo Samu Castillejo, tiiyoo laga diidey laba gool oo kale oo ay kala dhaliyeen Borini iyo Paqueta.

Waxaa kale oo ay Milan ku faraxsan tahay inuu kulankiisii 1-aad uu daqiiqadda 1-aad kasoo galay Andrea Conti oo gool sallaxay kaddib 18 bilood, halka Lucas Biglia uu garoomada kusoo noqday tan iyo Oktoobar 28.

Milan ayaa haatan kaalinta 3-aad oo ay ku jirto kooxda Inter hal dhibic oo qura u jirta, iyadoo aan 8 kulan oo Serie A ah marna laga badinin.

Hadalsame Media