(Hargaysa) 21 Feb 2019 – Madaxtooyada Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku caddaysay in Somaliland ay haatan diyaar u tahay in arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada hadal ku qabsooma fagaare caalami ah.
Somaliland ayaa tibaaxday in Abiy Ahmed ay isku afgarteen in laga fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor leh oo ka curta gobolka Geeska Afrika, gaar ahaanna Somaliland iyo Soomaaliya.
Maamulka Somaliland ayaa intaa raaciyay in wada hadal dhaca iyo nabad waarta oo la gaaraa ay ku xiran tahay Soomaaliya oo ka waantoowda wax ay ku sheegtay ”been abuurka, cadaawadda iyo colaadda ay u hayso shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarkooda”
Hadalka Somaliland oo u muuqda mid daba socda mid xalay kasoo baxay Madaxtooyada DF Somalia oo uu kasii horreeyay mid kale oo shalay laga soo saaray Addis Abeba ayaa u dhignaa sidatan:
WAR-SAXAAFADEED: 21/02/2019
”Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay uga mahadcelinaysaa Dawladda Federaal-ka iyo shacabka Itoobiya sidii milgaha iyo maamuuska lahayd ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga ballaadhan ee uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
”Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda.
”Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia waxa la isku af-gartay in arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaanna dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay hore u dhex-mareen colaado lagu hoobtay.
”Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku aas-aasantay go’aan shacbi, waxaanay tixgelinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku-wada-noolaanshaha waddamada deriska ee geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka. Balse wada-hadal iyo nabad waarta waxay ku imanayaan Soomaaliya oo ka waantowda been abuurka, cadaawadda, iyo colaadda ay u hayso shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarkooda.” ayaa lagusoo jaray warkan rasmiga ah ee kasoo baxay Somaliland.
Hadalsame Media