”Ma tartami karno!” – Kenya oo saluug ka muujisay tabarteeda arrimaha dibedda

0

(Nairobi) 21 Feb 2019Monica Juma oo ah Wasiirad Dibadeedka Kenya ayaa sheegtay walaac dalkeeda ka heysta dhanka arrimaha dibadda iyo diblumaasiyadda oo ay ka baqeeyso in looga guuleysto.

Wasiiradda, Ms Juma oo hortagtay Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Arrimaha Dibedda Baarlamaanka Kenya ayaa saluug ka muujisay dhaqaalaha loo qoondeeyay Wasaaradda taasoo ay sheegtay inaysan ku filneyn maareeynta siyaasadda arrimaha dibedda.

Kulankan oo ay shalay ku hortagtay Guddiga Difaaca Baarlamaanka Kenya ayaa la iskula soo qaaday waxyaabo ay ku jiraan muranka ay Kenya oogayso ee xumeeynaya xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiiradda ayaana u sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ku adkaan doonto inay gasho hardan dhanka diblomaasiyadda ah, miisaaniyadda oo ku liidata darteed.

Wasiiradda Juma ayaa la fahamsan yahay inaysan iyada ahayn cidda gadaal ka riixaysay go’aankii kasoo baxay dhanka Kenya oo weji gabax ku noqday dalkaasi Kenya.

Hadalsame Media