DAAWO: Shiinaha oo soo bandhigay gantaalo wadne-kurkur ku ridey Galbeedka + Sawirro

0

(Beijing) 21 Feb 2019 – Ciidamada Xoreeynta Shiinaha ayaa soo bandhigay cududdiisa dhanka gantaalaha iyo hubka waawayn ee istaraatijiga ah.

Muuqaal cusub oo loo fahmey mid dacaayad ah oo laga sii daayay warbaahinta Shiinaha ayaa waxaa ka muuqda sawirro karinta laga badiyay oo laga arkayo Guutooyinka Gantaalaha Beijing Rocket Force oo dab-rid toos ah ku sameeynaya gantaalaha.

Qaar ka mid ah gantaalahaasi waa Dongfeng-41, ama DF-41, oo lagu sheego inuu yahay gantaalka ugu riddada dheer gantaal kasta oo balistik ah oo caalamka ka jira, kaasoo magaalooyinka Galbeedka sida London iyo kuwa Maraykanka gaari kara isagoo xambaarsan madaxyada nukliyeerka.

Hadalsame Media