Wiil reer Hargaysa ah oo diraya farriin dhiigga dhaqaajinaysa (Daawo)

0

(Hargaysa) 19 Feb 2019 – Waxaa Sabtigii mar qura soo baxay go’aan aad loola yaabay oo ka yimid dhanka Kenya, kaasoo ay kaddib eedo badan ku sheegtay inay dalkeeda ka cayrinayso danjirihii Somalia, keediina u yeeratey.

Halkan ka DAAWO…

DF Somalia ayaa iyaduna markeeda arrintaa uga jawaabtey si aad uga macquulsan qaabka hujuumiga ah ee Kenya, balse ilaa iminka arrintu cirka ayay ku laalan tahay, iyadoo ay saaka ganacsatada Qaadka ee Somalia sheegeen inay joojiyeen Qaadkii Kenya.

Haddaba, wiil Soomaaliyeed oo reer Hargaysa ah ayaa dhiibtey fikir diraya farriin dhaqaajinaysa dareenka inta waxgaradka ah ee fahamsan farqiga u dhexeeya walxaha taagan ee ay isku hayaan dadka Soomaaliyeed iyo duunkood.

Wiilkan ayaa sheegay in waloow siyaasad la isku hayo misna ay dadku walaalo yihiin oo ay tahay in la wada ilaashado danaha dhaqan dhaqaale ee umadda ka dhexeeya, isagoo fogeeyay dadka minguuriya laxamada siyaasadda ee deeto wax kasta iyada ku sar gooya.

Halkan hoose ka dheeho…

Hadalsame Media