”Waxaannu la kulannay ”maamulka Somaliland” – RW Abiy Ahmed oo sheegay inay Somaliland ogolaatay ”Iskaashi” ay la yeelato DF Somalia + Sawirro

0

(Addis Abeba) 20 Feb 2019 – RW Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta kulan la qaatay madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayey oo ku sugan caasimadda Itoobiya ee Addis Abeba.

Bayaan kasoo baxay xafiiska RW Abiy Ahmed ayaa lagu qaadaa dhigay nuxurka waxyaabihii kulanka la iskula soo qaaday, iyadoo uu Abiy uu Muuse Biixi ugu yeeray “madaxweyne maamul.”

Waxaa kale oo qoraalka soo baxay ku jirta in Muuse Biixi ogolaaday hindise uu wado Abiy Ahmed oo ah in la sii xoojiyo wax lagu sheegay ”iskaashiga wada shaqayneed” ee maamulka Somaliland iyo DF Somalia iyo in la yeesho wada xaajoodyo fool ka fool ah.

“Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa. Labada dhinac ayaa isku raacay dhowr qodob oo muhim ah oo ay ka mid yihiin xiriirka dadkooda, xaqiijinta amaanka dadka Itoobiyaanka ah ee jooga Somaliland iyo ka shaqeynta arrimaha mideeya labada dhinac ee nabadda iyo amniga.” ayuu u dhignaa bayaan kasoo baxay dhanka Itoobiya oo sidoo kale sheegtay in laga hadlay adeegsiga dekedaha.

Waxaa shirkan aan rasmiga ahayn ee Muuse Biixi Cabdi iyo RW Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ku wehelinayey Wasiir Dibadeedka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu iyo madaxa xafiiska RW Itoobiya, halka dhanka Somaliland ay madaxweynaha wehelinayeen Wasiir Dibadeedkiisa Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Dowladda Itoobiya ayaa tiiyoo aysan siyaasad ahaan Somaliland dal u aqoonsaneyn, misna woxoogaa madax salaax ah u samayn jirtey, iyadoo ku magacaabi jirtey “Madaxweynaha Somaliland”, iyagoo aan dal iyo maamul midna carrabaabin, balse iminka waxaa si cad loogu sheegay ”maamul”.

Hadalsame Media