WAR CUSUB: Inter Milan oo qarka u saaran saxiixa Ivan Rakitic

0

(Milano) 20 Feb 2019 – Inter Milan ayaa sida la sheegayo qarka u saaran inay heshiis la gaarto laacibka khadka dhexe ee Barcelona ee Ivan Rakitic.

Sida ku qoran Gazzetta dello Sport, waxaa sii yaraanaysa masaafada u dhaxeeysa laacibka Rakitic iyo Inter kaddib markii sida la yiri ‘aasaaskii loo dhigay heshiis’ ku kacaya ilaa €40m oo euro.

Warqaadkan ayaa sharraxaya in Nerazzurri aysan kaliya doonaynin inay soo qaadato ‘xiddigo waawayn’ balse ay sidoo kale bartilmaameedsanayso ‘kuwo hoggaamiyeyaal ah’, iyadoo uu Croat-kani ka bixi karo buuxinta shuruuddaasi.

Agaasimaha Guud ee Inter jaalle Beppe Marotta iyo Maareeyaha Ciyaaraha Piero Ausilio ayaa la sheegay in ay Barca kula jiraan ‘wada xaajood qarsoodi ah’ iyagoo ugu yaboohay €35m.

La Gazzetta ayaa se intaa raacinaya in Blaugrana ay uga dheggan tahay in la siiyo €45m, balse marka damb xeer jajab lagu heli karo 30-jirkan oo ogolaaday in uu yimaado San Siro.

Kooxda Beneamata ayaa u ‘diyaar ah’ inay laacibka siiso qandaraas ‘ugu yaraan 3 sanadood ah’, xilli ay kooxda reer Catalan doonayso in ay la galaan qandaraas soconaya ilaa 2021.

Hadalsame Media