DEG DEG: “Waan soo dhowaynaynaa wadashaqayn dhow oo aannu la yeelanno Somaliland” – DF Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 20 Feb 2019 – War rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Somalia ayaa lagusoo dhoweeyay war kasoo baxay kulankii galabta Addis Abeba ka dhacay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.” Ayaa lagu yiri war kasoo baxay DF Somalia.

“Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

“Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.” Ayaa lagusoo afjaray faafinta rasmiga ah ee DF Somalia.

Hadalsame Media